Maxkamad racfaanka ah oo ku taalla dalka Holland ayaa xukmisay in faraca shirkadda shidaalka Shell ee dalka Nigeria ay mas’uul ka tahay dhibaatooyin gaaray beeralleyda gobolka Niger Delta.

Maxkamadda ayaa amartay Shell Nigeria inay magdhow siiso beeraleyda Nigeria, iyadoo sidoo kale lagu amray inay gobolka geeyaan qalab ka hortagaya in dhibaatooyin kale ay dhacaan.

Koox beeralley ah ayaa furay kiiska sanadkii 2008, iyagoo ka cabanayay wasakhowga hawada.

Warbixin ay shalay soo saartay, ayay Royal Dutch Shell ku sheegtay inay “ka xun tahay” xukunka.

 

Xukunka ayaa mar kale racfaan laga qaadan karaa, wuxuuna sidoo kale khuseyn karaa meelaha ka baxsan Nigeria.

Iyadoo arrintan ay dhacday intii u dhaxaysay 2004 ilaa 2007, wasakhowga hawada ee ka dhasha dhuumaha shidaalka ee qubanaya ayaa arrin weyn ka ah Niger Delta.

 

Maxkamadda ayaa sheegtay in Shell aysan caddeymo ku filan bixin in dad ay si ula kac ah u dhibaateeyeen beeralleyda xaafadaha Goi iyo Oruma, ee aysan ahayn shidaalka ka qubtay dhuumaheeda.

Maxkamadda ayaa sheegtay in xaddiga lacagta magdhowga la go’aansan doono goor dambe.

‘Caddaaladda oo guuleysatay’

Maxkamadda ayaa heshay caddeymo ah in shidaalka ku qubtay xaafadda Ikot Ada Udo loo sameeyay si ula kac ah, balse waxay sheegtay inay u baahan tahay waqti dheeri ah oo ay kiiska ku xalliso.

Afarta beeralley ee furay kiiska – Barizaa Dooh, Friday Alfred Akpan, Fidelis A Oguru iyo Alali Efanga – ayaa sheegay in qubashada shidaalka ee dhuumaha dhulka hoostiisa mara ay saameyn ba’an ku yeesheen noloshooda iyagoo wasakheeyay dhulka iyo meelaha ay biyuhu maraan. Mr Efanga iyo Mr Dooh ayaa geeriyooday tan iyo markii ugu horreysay ee kiiska la furay sanadkii 2008 sidaas darteed wiilashooda ayaa dacwadda halkeedii ka sii waday.

 

“Aad ayaan u faraxsanahay – dadka Nigeria hadda rajo ayay heleen,” ayuu Princewill Efanga u sheegay BBC-da.

James Oguru, oo ah wiilka Oguru, ayaa yiri “caddaaladda ayaa guuleysatay” balse wuxuu Shell ku borriyay inay sameyso waxa looga baahan yahay si ay u bilaabaan wax beerashada.

Beeralleyda ayaa waxay taageero ka heleen kooxda arrimaha deegaanka ee Saaxiibbada Dhulka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here