HomeWarkiiShirkadaha isgaarsiinta iyo Bangiyada Laas-caanood oo shaaciyay ineysan bixin karin qarashaadka uu...

Shirkadaha isgaarsiinta iyo Bangiyada Laas-caanood oo shaaciyay ineysan bixin karin qarashaadka uu dul dhigay Maamulka Waqooyi Bari

Shirkadaha isgaarsiinta iyo Bangiyada Laas-caanood ka jira kuwaasoo kala ah Golis,Dahabshiil,Amal Bank iyo Somtel ayaa warsaxaafadeed wada-jir ah oo ay isla soo saareen goor dhaw waxay ku sheegeen in dhamaan xarumahooda Ganacsi ee Laas-caanood uu albaabada isugu laabay Maamulka cusub ee Waqooyi bari Somalia.

Shirkadahaan iyo bangiyadaa waxay cadeeyeen in Maamulku waydiistay lacag ay ugu magac dareen dowlad dhis  sida ay warka u dhigeen balse ay iyagu awoodin qarashkaasi islamarkaana kaliya ay diyaar u yihiin bixinta canshuurta oo ay awalna bixin jireen.

“Waxaan cadaynaynaa in lacagta laga doonayo ee loogu magac daray dowlad dhis aanay shirkaduhu bixin karin” ayay ku xuseen warsaxaaadeed ay soo saareen

Warsaxaadeedka shirkadaha Isgaarsiinta iyo Bangiyada oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-

May be an image of text

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -