HomeWarkiiShirkadda Air Arabia oo joojisay duulimaadyadii ay Boosaaso ku iman jirtay

Shirkadda Air Arabia oo joojisay duulimaadyadii ay Boosaaso ku iman jirtay

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Shirkadda Air Arabia ay baajisay duullimaadkii Boosaaso madaama Dowlada Soomaaliya xiriirka u jartay Imaaraadka Carabta.
Shirkaddaan ayaa laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta waxaa ay muujineysa talaaabaa ay qaaday in durba uu hir galay go’aankii Dowlada Somalia ee ahaa in labada dal kala goostaan dhamaan wixii xiriir ah ee ka dhaxeyn jirey xili ciidamo badan oo Somalia ku sugan Imaaraadku mushaar siiyo .
Diyaarada Air Arabia ee Imaaraadka Carabta ayaa joojisay duulimaadkii ay berri ku tagi lahayd magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland.
Go’aankan ayaa ku soo beegmaya saacado yar kadib markii xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu si weyn u xumaaday, ka gadaal markii
Sidoo kale Talaabada shirkadaan waxay ku soo aadeysaa xili Dowlada Soomaaliya ay  laashay dhammaan heshiisyadii labada dal, kuwaas oo ay ku jiraan iskaashi amni, dekedo iyo hawlgallo kale oo wadajir ah,waxayna si gaar ah u saameyneysa shaqadii Imaaraadku ka hayay Dekadaha sedexda Maamul Goboleed ee kala ah Berbera Somaliland,Kismaayo Jubaland iyo Boosaaso Puntland.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of ‎aircraft and ‎text that says "‎AirArabia للطبرات العربيةللطيرات العربية ....... AkAzabia A6- A6-ANY ANY ...... 8 … B или‎"‎‎
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -