HomeWarkiiShirkadda DP World ee Imaaraadka oo sheegtay iney wadan doonto shaqada ay...

Shirkadda DP World ee Imaaraadka oo sheegtay iney wadan doonto shaqada ay ka  heyso Dekada Ber-bera

War ka soo baxay Shirkadda DP World  ee Dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu qaadacday go’aankii Dowlada Somalia ee xiriirka loogu jaray Imaaraadka kaasoo uu ku jirey inay gabi ahaanba ka baxaan dhulka Somalia sida shaqada ay ka hayaan dekadaha maamulada Somaliland,Puntland iyo Jubaland ee Ber-bera,Boosaaso iyo Kismaayo.

Shirkadda DP World  ee Dalka Imaaraadka Carabta waxay shaaciyeen inay sii wadan doonaan shaqadooda ay ka hayaan Dekada Ber-Bera ee Somaliland iyagoo si cad u qaadacay amarkii Dowlada Somalia, waxayna warbixintoda ku sheegeen inay Ber-Bera ku joogi doonaan heshiiska ay kula jiraan maamulka Somaliland.

Shirkada DP World  waxay u sheegtay wakaalada wararka Reuters inay waqti xaadirkaan socoto shaqada ay ka hayeen Dekada Ber-bera islamarkaana wax saameyn ah uusan ku yeelan doonin go’aanka Dowlada Somalia madaama ay ku joogaan heshiisyadii hore taasoo cadeyn ah intii Madaxweyne xasan goor dhaweyd sheegay taasoo ahayd in Imaraadku Somalia uma aqoonsaneyn inay tahay xor ah oo mid ah.

Shirkadda Imaaraadka laga leeyahay waxay intaasi ku dartay in wada-hadallada dowladaha iyo go’aamada diblomaasiyadeed ay tahay in lagu wargeliyo hay’adaha ay khusayso.

Si kastaba Khudbada galabta uu jeediyay Madaxweyne Xassan waxaa ku jirtay hadalo ad adag oo u muuqday hanjabaad uu u jeedinayay shirkadaani,Madaxweyne Xasan wuxuu carabka ku adkeeyay in Dowladu qaadi doonto talaabooyin ad-adag oo lagu difaacayo madax banaanida dhulka Somalia taasoo loo fahmi karo inuu shirkadaan ula jeeday .

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -