SHIRKADDA KORONTADA EE BECO OO 40 KUN DOLLAR KU WAREEJISIYEY GUDIGA FATAHAADA [SAWIRRO]

beco beco1 beco2 beco3

Isniin, 4 Nov [Dayniile Online]   Xarunta Shirkadda korontada ee BECO waxaa lagu qabtey Munaasabad ay Shirkada iyo Shaqaalaheeda ugu qayb qaadanayaan Gurmadka Fataahada Webiyada gaar ahaan Magaalada Beled weyne, waxaana Munaasbabadaas ka qaybgaley Masuuliyiinta Shirkada, Shaqaalaha iyo Guddi Gurmadka Fatahaadaha .

Ugu Horeyn waxaa halkaas ka Hadley Cabdiraxmaan Maxamed Caadle Madaxa Xiriirka Bulshada ee Shirkadda BECO, isaga oo sheegay in Shirkadda iyo Shaqaalaheeda ay mar waliba ka qayb qaadan jireen Wixii dhibaatooyin ah ee ka dhacay Guud ahaan Dalka, wuxuuna tilmaamay in Deeqdaan ay ugu talagaleen Dadka Dhibaatada ka soo gaartey Fataahada Wabiga ee Beled weyne.

Madaxa Fulinta iyo Farsamada ee Shirkada BECO Cali Maxamed Kaariye oo ka Hadley Munaasbadaas ayaa sheegey in Shirkadda ay Gudiiga Gurmadka Fatahaadaha ku wareejisey 40 kun oo doolar oo uu sheegey in ay gu tala galeen in la gaarsiyey Dadka Fatahaadaha waxyeeleeyeen ee Magaaladda Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan.

Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo Gudoomay Deeqdaas ayaa u Mahadceliyey Dhamaan Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Shirkada BECO oo uu sheegey in Deeqdaan ay natusineyso sida Shacabka isku Caawinayaan marka ay Bulshada Dhibaato la kulmaan, waxaana leeyahay Shirkadda in maanta aad baxsateen Sadaqo qiimo badan ee Ilaah ha idiin ka aqbalo. Sidoo kale waxaa isna halkaa ka hadley Gudoomiye ku xigeen Rugta Ganacsiga Cabdiraxmaan Gaambe Mahadcelin ka dib waxaa uu sheegey in Mar kasta in ay Waajib tahay in Bulshada isku gargaaraaan taasoo uu sheegey in ay uga maarmi karno Kaalmo Shisheeye isagoo halkaa ka balan qaadey in ay gaarsiin doonaan dadka loogu talagaley . Muqdisho Soomaaliya

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064