HomeWarkiiShirkii Baarlamaanka oo durba buuq iyo firinbi ku furmay iyo fashil mar...

Shirkii Baarlamaanka oo durba buuq iyo firinbi ku furmay iyo fashil mar kale laga cabsi qabo

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xarunta Vila Hargeysa oo ay ku shiraan Baarlamaabka Soonmaaliya waxaa goor dhaweyd ka bilowday shirkii ;labada aqal kaasoo maalmihii ugu danbeeyay xiisad ay ka dhex taagneyd xildhibaanada mucaaradka iyo gudoonka uu sababay in kulamadii hore socon waayaan.

Kulanka maanta oo ah isku dergii 3-aad ee Gudoonka Labada Aqal ku doonayaan in shirku dhaco ayaa durba waxaa la soo sheegayaa in durba ku furmay shirka buuq iyo firinbi xili waliba Booliiska iyo Xildhibaanada ay qarka u saaran tahay inay gacmaha iskula tagaan.

Xildhibaanada Mucaaradka oo uu ka mid yahay Xildhibaan San-yare oo reer Puntland ah ayay muuqaaladu soo qabanayaan isagoo Booliiska handadaya kuna dhahaya bistolada inta ka xoogo ayaan adiga ku dilaya, waa lagaaga horeeyay iyo ereyo kale taasoo buur iyo sawaxan gelisay shirka.

Waxaa aad looga cabsi qabaa in mar kale maanta shirku fashilmo xili waliba xildhibaanadii laga mamnuucay shirka qaarkood wadooyinka lagu celiyay iyagoonba soo gaaray xarunta,waxaana shirka aad loogu arkayaa Booliis.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -