Muqdisho (dayniiile.com)-Shir maanta ay lahaayeen Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa buuq iyo is faham daro ku soo dhamaaday xili gudoonku dhex fadhiyay.
Ajandaha maanta shirka baarlamaanka ayaa ahaa xisaab xirka miisaaniyada Dowlada sanadkaan dhamaadka ah iyo miisaaniyada sanadka cusub ee 2024-ka,waxaana shir gudoominayay Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi.
Qaar ka mida Xildhibaanada ayaa si cad uga hor yimid inuu furmo shirka maanta iyagoona qaarkood xuseen inay ka soo jorjeedaan shir gudoonka inuu noqdo Cabdi-Xaashi C/llaahi halka koox kalana ka cabanayeen in mooshinka lagu soo dari waayay Mushaar kordhintooda.
Ereyada iyo buuqa ka soo baxayay xildhibaanada waxaa ugu ceeb badneyd in xiligaan Xildhibaanadu ku doodaan mushaar kordhin xili dalku ku jiro xaalad adag.
Gudoomiye Cabdi-Xaashi C/llaahi ayaa ugu danbeyn ku dhawaaqay inuu shirka ka socon waayay xildhibaanada qaarkood sidaas daraadeedna uu shirka maanta halkaasi ku egyahay.
Dhanka kale waxaa maanta ka maqnaa fadhiga Baarlamaanka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sh.Adan Maxamed Nuur (Madoobe).
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleMidowga Yurub oo soo bad baadiyay Dooni lagu afduubtay xeebaha Puntland
Next articleDuqa Muqdisho oo maanta daah-furay shirka hanaanka wadashaqeynta Dowlada hoose iyo Degmooyinka+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here