Garowe (dayniiile.com)-Waxaa gabi ahaanba la kansalay shirkii Baarlamanka Maamul Goboleedka Puntland ee Berito loo balansanaa sida wararka ugu danbeeya ay sheegayaan.
Sababaha loo baajiyay kulankaani ayaa lagu sheegay arimo amni iyo cabsi laga qabo isku dhacyo siyaasadeed madaama uu sii kordhay xurgufta u dhexeysa Madaxweyne Saciid Dani iyo Mucaaradkiisa.
Xildhibaanada Puntland ayaa la ogeysiiyay inuu baaqday kulankaasi oo balantu ahay in lagaga hadlo wax-ka beddelka Xeerka doorashooyinka qof iyo cod oo Wasiirada Puntland ay soo gudbiyeen.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in dib loo dhigay shirkaani Khamiista soo socota si xal loogu sii raadiyo xiisado dagaal oo maanta laga dareenay Garoowe taasoo xitaa sababtay in shacabka qaar ka barakaceen maanta Magaalada caasimada u ah Puntland ee Garowe.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM