Garowe (dayniiile.com)- Wararka laga helaayo Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in shirkii baarlamaanka ee Maamulkaasi maanta uu hareeyay buuq,fowdo iyo kala aragti duwanaansho.
Xildhibaanada ayaa laba dhinac u kala baxay,koox taageersan go’aankii Maxkamada Dastuuriga Puntland iyo kooxdii shirkaan wadatay oo diidan go,aankii Maxkamada iyagoona ku adkeysanaya mudo kororsigii ay sameysteen.
Xildhibaanada ayaa la arkaayay iyagoo buuq iyo sawaxan ka dhigay xaruntii Baarlamaanka Puntland taasoo keentay in shirka maanta uu ku soo dhamaado fowdo iyo buuq.
Shirka maanta wuxuu ahaa mid degdeg a ah sida warbixinteenii Saaka idinku sheegnay,waxaana watay kooxda rabta inay mudo kororsiga hirgeliyaan si ay sanad hor leh u sii jiraan,taasina waxaa aad uga soo horjeeda Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Dani.
Dhanka kale waxaa sii siyaaday xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa siyaasiyiinta isku heysa xukunka Puntland oo la joogo xiligiisii doorashada.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleMadaxweyne Xigeenka Puntland oo weerar afka ah ku qaaday Saciid Dani
Next articleKulankii Xildhibaanada Aqalka Sare Maxaa looga hadlay Maanta+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here