HomeWarkiiShirkii Baarlamanka oo mar kale lagu kala tagay isagoon furmin

Shirkii Baarlamanka oo mar kale lagu kala tagay isagoon furmin

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kulankii Baarlamaanka Somalia ee ilaa saaka buuqa uu ka taagnaa ayaa ugu daneyn la soo xirey laguna kala tagin waliba isagoon furmin kadib markii ay wada kasta u mareen xildhibaanada mucaaradka sidii shirka ay ku fashilin lahaayeen taasoo ay ku guuleysteen.

Gudoomiyaha oo intii buuqa socday laga war sugaayay go’aankii ayaa ugu danbeyn aqbalay in la iska soo xiro madaama xildhibaanada mucaaradku hor istageen xli Booliiska xitaa uu isku dayay inuu xakameeyo xildhibaanada.

Xildhibaanad Canab oo Baarlamaanka ka tirsan ayaa isbitaalka loo cararay markii ay sheegtay in mid booliiska ka mid ah uu kabixiisa oo bira lahaa kaga jeexay lugta gaar ahaan cagta hoose waxaana xaaladeeda caafimaad wax looga qabtay Isbitaalka Yardameli.

Xildhibaanada Mucaaradka ayaa wariyayaasha u sheegay Gudoonka Baarlamanka uu soo bandhigay in laga wada hadlo waxa la isku hayo wayna soo dhaweeyeen.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -