HomeWarkiiShirkii Dalalka Islaamka oo loogu goodiyay cid kasta oo isku deyda kala...

Shirkii Dalalka Islaamka oo loogu goodiyay cid kasta oo isku deyda kala dhantaalida madax banaanida Soomaaliya.

May be an image of one or more people and text that says "SOMALIA MA JIRTO WAX CILAAQAAD AH oo DIBLOMAASIYADEED oo LALA YEELAN KARO QAYB KA TIRSAN SOOMAALIYA WAANA WAAJIB IN LA ILAALIYO MIDNIMADA QARAN EE SOOMAALIYA IN AQOONSI KASTA oo AANAN SHARCI KU DHISNAYN oo HAL DHINAC AH UU YAHAY MID WAXBA KAMA YIRAAN AH MUDANE CABDISALAAN CABDI CALI WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA IYO ISKAASHIGA CAALAMIGA EE JFS ហ៎ SNIV ESONNA"Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa Sshalay ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada iyo xaaladda ka taagan Soomaaliya gaar ahaan aqoonsi ku sheega Yuhuudu siisay Maamulka Somaliland.
Xoghayaha Guud ee OIC Xuseen Ibraahim Daaha ayaa carrabka ku adkeeyay in aqoonsiga qeyb ka mid ah gobollada Soomaaliya ee ay samaysay Israa’iill uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, islamarkaana khatar ku ah amniga gobolka, isagoo xaqiijiyay in midnimada Soomaaliya ay tahay khad cas oo aan laga gudbi Karin.

Wasiirada waxay xuseen in talaabada Yuhuudu qaaday uu xad-gudub  ku yahay sharciyada caalamiga ah,sidoo kalana qatar ku yahay xsilonida Gobolka iyo Caalamka oo dhan,midnimada iyo wada-jirka Somalia ayay ku tilmaameen mid muqadas ah oo lama taabtaan ah.

Wasiirada Dalalka Islaamka waxay ku goodiyeen in cid kasta oo ku soo xad-gudubta madax banaanida Soomaaliya ay meel uga soo wada jeesan doonaan.

Wasiirka arimaha Dibada Somalia ayaa isna sheegay in Somalia aysan ka soconeyn  Heshiisyo sirdoon, mid Milatari, mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale hadii aan ogolaansho looga heysan Dowlada Somalia.Somalia

May be an image of text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -