LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo Shirweynaha dhameystirka Maamul dhiska SSC Khaatumo kaasoo tan iyo khamiistii baaqanayay xaalado siyaasadeed oo laas-caanood ka taagnaa.
Wasiirka Arimaha gudaha Somalia Cali Xoosh iyo Gudoomiye ku xigeenka Aqalka sare ee Dowlada Somalia ayaa labaduna u jooga Laas-caanood hir gelinta shirkani oo uu soo qaban qaabiyay Hogaamioyaha SSC Khaatumo C/qaadir Firdshiye balse ay si weyn uga hor yimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka SSC Khaatumo.
Sidoo kale dhaqanka ugu sareeya Gobolka Sool ayaa ka hor yimid qaabka shirkaani loo qaban qaabiyay isagoona si cad u sheegay in dadka Gobolka Sanaag oo maamulka wax ku leh aan si buuxda loo casuumin,wuxuu ka digay wax la isku khilaafsan yahay in Laas-caanood horseed u noqoto.
Inkastoo siyaasiyiinta mucaaradku ku guuleysteen inay shirka baajiyaan khamiistii iyo sabtadii shalay ayaa hadana waxaa la soo sheegayaa inuu maanta qabsoomayo shirkaasi xili baarlamaanka SSC Khaatumo uu ayiday qabsoomida shirkaani oo ay reer SSC Khaatumo uga tashanayaan aayahooda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

