HomeWarkiiShirkii dhameystirka Maamulka SSC Khaatumo oo si rasmi ah uga furmay Laas-caanood+SAWIRRO

Shirkii dhameystirka Maamulka SSC Khaatumo oo si rasmi ah uga furmay Laas-caanood+SAWIRRO

LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw si rasmi ah uga furmay Magaalada Laas-caanood Shirkii loo balansanaa ee dhameystirka Maamulka SSC Khaatumo.

Shirka oo aad loo soo camirey waxaa ka qeybgalay ergooyin badan oo matalayay dhamaan Beelaha dega Gobolada Sòol,Sanaag iyo Ceyn.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya  Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha dhameystirka dhismaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.

Wasiir Cali Xoosh wuxuu xusay in Dowladda Federaalka ay geed fadhi u noqon doonto dhismaha Dowlad Goboleed rasmi ah, Dastuur leh, kuna yimaada rabitaanka bulshada deegaanka.

“Dowladdu waxay  aaminsan tahay in xalku ku jiro in la helo Dowlad Goboleed dhameystiran oo si buuxda uga mid noqda nidaamka faderaalka  Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Cali-Xoosh.

Masuuliyiinta kale ayaa iyaguna hadalo loo koban waxay ka jeediyeen furitaanka shirka oo laga yaabo inuu maalmo socdo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -