HomeWarkiiShirkii Dowlada iyo Mucaaradka xaguu ku danbeeyay?

Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka xaguu ku danbeeyay?

Su’aalaha ugu waa weyn oo dadku is weydiinayaan ayaa ah shirkii Dowlada iyo Mucaaradku xaguu ku danbeeyay, ma fashilmay,rajo ma leeyahay, sidoo kale waxa khilaafka kaaney oo ahaa ciidamada ilaalada u ah madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland ma laga heshiiyay.

Xogo hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in markii horaba cadadais beesha caalamka ka yimid ay ku ogolaadeen dhinacyada mucaaradka inay aqbalaan gogoha Ra’iisulwasare Xamza dhigay Magaalada Muqdisho hadana isla cadaadiskii la isugu soo dhaweeyay iyadoo Dowladu aqbashay in mucaaradku hub iyo ilaalo nuucii ay doonaan ay keensan karaan laakiin aysan aqbalayn 50 askari ka badan madaxweyne kasta taasoo tirada guud labada madaxweyne ka dhigeysa inay keensan karaan 100 boqol askari .

Warar ayaa tilmaamaya  hada uusa jirin wax culeys ah oo hor taagan qabsoomida shirka iyo waliba imaanshiyaha ciidamada islamarkaana aad loo rajeynayo in saacadaha soo socda Muqdisho ay soo gaari doonaan diyaarado sida ilaalada labada Madaxweyne ee Puntland Sacid Deni iyo Axmed Madoobe,

Marka laga yimaado imaanshiyaha ciidamada iyo madaxdaasi ma jirto caqabad kale oo hada shirka ku hor gudban sida aan xogta ku helnay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -