Muqdisho 09/Nov/2023, waxaa Magaalada Muqdisho ku soo gabagaboobay Shirkii Hirgalinta Heshiiskii Amniga Qaran ee Daadajinta Maamulka iyo Tayeeynta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Shirkaan ayaa socday sadexdii cisho ee u danbeysay 07-09 Nov 2023, waxaa shirkaan ka soo qeybgalay Wasiirada Wasaaraddaha Amniga Dowlad Goboleedyada iyo Federaalka, Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada Dowlad Goboleedyada iyo Federaalka, Taliyeyaasha Boliiska Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka ah, Xafiisyada la talinta Amniga ee Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka ah, qaar ka mid ah Saraakiisha Boliiska Federaalka ah iyo Saaxiibada taageera Boliiska Dalka.
Ujeedada Shirkaan ayaa aheyd, Hirgalinta Heshiiskii Amniga Qaran ee u qeybinta 40,000 (Afartan Kun) ee Ciidanka Boliika Dalka, taas oo loo qaatay 20,000 (Labaadan Kun) Boliiska Federaalka ah iyo 20,000 (Labaatan Kun) Boliiska Dowlad Goboleedyada.
Gababadii heshiiska ayaa waxaa saxiixay Wasiiradda Wasaaraddaha Amniga ee Federaal iyo Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiye ku xigeenka Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir.
Mahadsaniidin.