KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Wararka aan hada ka heleyno Kismaayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan la soo sagootiyay kana soo safray Magaalada Kismaayo kadib markii shirku gabi ahaanba fashilmay oo lagu kala tagay.
Saaka waxaa labada Masuul u kala dab qaadayay Taliyaha Sirdoonka Kenya Nuuradiin inkastoo mar kale saaka la isku mari waayay markii Axmed Madoobe diiday inuu wax tanaasula la yimaado iyadoo tan iyo shalay laga doonayay inuu aqbalo inuu doorasho galo kana laabto tii uu isagu isku caleema saaray.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u diiday inay aqoonsato Axmed Madoobe iyadoo Madaxweyne Xasan Axmed ka dalbaday inuu mar kale doorasho sameeyo taasoo la isku racsan yahay ,sidoo kale Axmed wuxuu diiday inuu dib ugu laabto shirarka Golaha Wadatashiga Qaran.
lMadaama Madaxwene Xasan soo dhoofay waxaa meeshaaasi ku dhamaaday dhamaan rajadii laga lahaa in shirkaasi mira dhalo labada dhinac isla shaqeeyaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
