LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Wararkii ugu dambreyay ee aan ka haleyno shirka ka socda Laas-caanood ayaa sheegaya in beri la shaacin doono calan cusub iyo magacii SSC Khaatumo oo gabi ahaanba la badalay.
Inkastoo shirka horumar uu sameeyay ,dhinacyaduna isla garteen wax ka badalka magacii hore iyo waliba calankii oo isna wax ka badal lagu sameeyay ayaa hadana waxaa la isla gartay in beri si rasmi ah loo shaaciyo.
Dhanka kale baraha bulshada ayaa caawa la soo geliyay calanka sida uu noqonaayo iyo waliba magaca maamulka.
Magaca waxaa la hadal hayaa in laga dhigay Woqooyi-bari halka calanka isna la isku raacay buluug xiddig cad leh + Cagaar iyo Caddaan Farasle ah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM

