MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Mucaaradka Dowlada Xasan Sheekh gaar ahaa Golaha Mustaqbalka ayaa maanta lagu wadaa inay mar kale ku kulmaan Jaziira Hotel halkaasoo ay warbaahinta kula hadli doonaan xili waliba go’aamo cusub laga sugayo maanta madaama ay shalay isku raaci waateen inay go’aamo soo saaraan.
Mucaaradka waxaaa lagu wadaa inay maanta sii wadan doonaan doodista nooc Doorasho madaama Arbacada beri ay balan qaadeen inay soo bandhigi doonan nooc doorasho aan ahayn tii dadbaneyd iyo mida qof iyo cod ee Madaxweyne Xassan wato.
lama saadaalin karo nooc doorashada mucaaradku miiska soo saari doonaan si loola bar bar dhigo mida Madaxweyne Xasan ee dadweynuhu codeyn doonaan.
Beesha Caalamka ayaa xuja weyn uga dhigtay mucaaradka inay aragti la imaadaan kana gudbaan aragtida diidmada doorashada qof iyo cod, si meel dhexe la isigu yimaado madaama labada dhinac ku mideysan yihiin inaan marnaba la qaadan doonin doorashadii dadbaneyd.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
