HomeWarkiiShirkii Sanatarada Somalia maxaa looga hadlay maanta+SAWIRRO

Shirkii Sanatarada Somalia maxaa looga hadlay maanta+SAWIRRO

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu wehelinayo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta shir-guddoomiyay Kalfadhiga 7-aad, Kulankiisa 13-aad, kaas oo ajandihiisu ahaa:
Akhrinta Koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Dawooyinka.
Akhrinta Labaad ee Hindise-Sharciyeedka Hannaanka Lacag-bixinta Qaranka.
Ugu horrayn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Xaaji Aadam, ayaa Golaha Aqalka Sare u soo bandhigay warbixinta Akhrinta Koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Dawooyinka.
Wasiirku waxa uu si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda uu sharcigani u leeyahay nidaaminta, tayeynta iyo sugidda badqabka dawooyinka dalka la keeno, isaga oo xusay doorka uu ka qaadanayo horumarinta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada.
Dhanka kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Ibraahim Awgaab Cismaan, ayaa Sanatarrada la wadaagay warbixinta Akhrinta Labaad ee Hindise-Sharciyeedka Hannaanka Lacag-bixinta Qaranka. Waxa uu si qoto dheer u sharraxay qodobada iyo faqraddaha ay guddigu wax-ka-beddel, toosin iyo sii-hagaajin ku sameeyeen intii ay ku guda jireen ka shaqeynta sharcigan, iyagoo kaashanaya sharciyaqaannada Golaha.
Intaas kaddib, Sanatarrada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa guda galay dood iyo aragti dhiibasho ku saabsan Hindise-Sharciyeedka Hannaanka Lacag-bixinta Qaranka, iyaga oo soo jeediyay talooyin, aragtiyo iyo fikrado wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo hufnaanta, daahfurnaanta iyo tayeynta sharcigan muhiimka u ah nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo soo xiray kulanka, ayaa uga mahadceliyay Sanatarrada ka qayb qaatay doodda iyo soo-jeedinta aragtiyaha qiimaha leh ee ku aaddan Hindise-Sharciyeedka Hannaanka Lacag-bixinta Qaranka. Waxa uu faray Guddiga Maaliyadda in ay dib u habeeyaan sharciga, iyagoo tixgelinaya talooyinka iyo aragtiyaha ay soo jeediyeen Sanatarradu, si loogu diyaariyo Akhrinta Saddexaad ee kama dambaysta ah.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.May be an image of daisMay be an image of one or more people, beard and daisMay be an image of dais and textMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people, headscarf and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of dais and textMay be an image of daisNo photo description available.May be an image of daisMay be an image of daisNo photo description available.May be an image of dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -