HomeWarkiiShirkii u dhexeeyay Dowlada iyo Jubaland oo qarka u saaran in lagu...

Shirkii u dhexeeyay Dowlada iyo Jubaland oo qarka u saaran in lagu kala tago

KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Wararka ugu danbeeya ee aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in saaka shir kale ay yeeheen Madaxweyne Xassan iyo Axmed Madoobe kaasoo aan laga soo tabin warar wanaagsan.

Warar ku dhaw dhaw guriga martida ee shikrku ka socdo ayaa sheegaya in qarla loo saaran yahay in lagu kala tago shirka islamarkaana Madaxweyne Xasan dib ugu soo laabto Magaalada Muqdisho madaama wax natiija ah aysan soo kordhin saaka oo wali Axmed Madoobe diidan yahay inuu ka laabto doorashadii uu jeebkiisa isku caleema saaray.

Taliyaha Sirdoonka Kenya oo saaka u kala dab qaadayaya ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto dalkiisa isla saaka halka Madaxweyne Xasan iyo Axmedna loo maleynayo inay soo kala saaraan laba warsaxaafadeed oo kala socda.

Sidoo kale waxaa macquul ah in labada masuul isku raacaan inay soo saaaraan war xoogaa u muuqda rajo gelin bulshada loo sheegayo sida in shirku sii socon doono hadana ay meel wanaagsan wax marayaan.

wixii soo kordha wararkeena danbe ayaad ka heli doontaan insha allaah.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -