SHIRQOOL DOWLADEED IYO SHAATI SHABAAB!
Ma jirin gaari qarax loogu xiray agaasime Abdiaziz Mohamud Guled hase yeeshee waxaa dilkiisa iska kaashaday NISA iyo Al-Shabaab.

Abdiaziz oo beri kusii jeeday dalka India ayaa caawa casho u aaday maqaayad uusan horay u tegi jirin oo ku taala goob uu amnigoodu sugnaa, ayna joogaan ciidanka dowladda, waxaa wehliyay agaasime Sharma’arke oo isna dhaawac soo gaaray.

Waxa uu in badan qabay shaki ah in loosoo dhex maro saraakiisha Nisa oo ay qaar badan horay isugu dayeen shirqoolkiisa, laakin uu aad uga feejignaa.
Caawa markii uu maqaayadda kasoo baxay waxaa mar qura isku duubay nin naftii halige ah oo goobta loogu diyaariyay.

Waxaa kale oo jira xog kale oo intaas dheer laakin aan la wadaagi doono hay,adaha ay quseyso.

Waxaa hubaal ah in dadka ka qeybgalay shirqoolkaas eysan sinaba uga baxsan doonin sharciga.

W/Q:- Bashiir Gaani oo saaxiib dhow la ahaa Afrika .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here