MUQDISHO-(DAYNIILE.COM)-Shirweynaha Xisbiha Midowga Heybad Qaran ee uu hogaamiyo Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa caawa ka socda Magaalda Muqdisho waxaana goor dhaw oo cishihii kadib ah soo gaaray hoolka Fahad Yaasiin Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Munaasabada oo lagu wado in looga dhawaaqo Musharaxnimada xilka Madaxweynaha ee Cabdi Faarax Shirdoon Saacid lagu qabtay oo hada ka socota Hoolka Sahal ee ah kan ugu weyn Muqdisho kaasoo ku yaal isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.
Taageerayaal badan oo boqolaal gaaraya ayaa ka soo qeybgalay kuwaasoo soo camiraty hoolka Sahal oo dad badan qaada,inta badan tageerayasha Xisbiga Heybad Qaran waxay wataan astaanta Xisbiga.
Si kastaba waxaa muhiimada shirkaani yahay ku dhawaaqista dhismaha Xisbga Heybad Qaran iyo in Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu yahay musharaxa xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo xisku uu ku tartani doono marka la gaaro doorashooyinka xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Musharixiinta sanadkaan ugu cad cad waxaa ka mid ah 1-Xasasn Cali Kheyre 2- Xasan Sheekh 3-Farmajo, 4- Cabdi Faarax Shirdoon Saacid 5,Shariif Sheekh Axmed, 6-Maxamed Xuseen Rooble 7- C/raxm,aan C/shukuur iyo Saciid Deni.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM























