MAHADAAY (DAYNIIILE.COM)-Wararka laga helaayo dadka ku dhaqan Magaalada Mahaaday ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in duleedka Magaaladaasi  uu ka dilaacay shuban biyood sababay dhimasho badan.

Deegaanka uu shuban biyoodka ka dilaacay ayaa lagu magacaabaa Inji waxaana inta laga war hayo u geeriyootay 32 ruux mudo sedex maalin gudahood.

Advertisement

Sidoo kale dad ku dhaw 70 ayaa la jiifa cudurkaasi sida dadka deegaanku sheegeen kuwaasoo u badan dadka u jilcan bulshada sida caruurta.

Dadka deegaanka waxay ka cabanayaan ineysan Magaalada Mahadaay oo u dhaw lahayn goob caafimaad kaliyana laga helo goobo caafimaad oo ganacsi ahaan u furan, dadka qaar waxaa loo qaaday Jalalaqsi sida dadka deegaanka qaarkood sheegeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleNetanyahu “waxaan kordhineynaa Misaaniyada dhaqaale ee Ciidamada si sanado badan aan nabad ugu noolaano”
Next articleKumaandooska Dana-Puntland “Ma madhaceyso Xaflada Caleema saarka mana aqoonsanin Saciid Dani”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here