GAROWE (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Warfaafinta Maamul Goboleedka Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa maanta mar uu ka hadlayay shirka uu iclaamiyay
Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh wuxu ku xirey shuruudo aad ugu adag Dowlada .
Maxamuud Ceydiid Dirir wuxuu sheegay inay Puntland ka qeybgeli karto shirka Madaxweynaha taasoo oo ah in Villa Somalia ka laabato wax ka beddelkii ay ku samaysay dastuurkii dalka.
“waxaan shir ka wada hadli karnaa marka Dowladu dib u soo celiso dastuurkii heshiiska lagu ahaa islamarkaana cadeyso inay ka laabatay wax ka beddelkii ay ku samaysay dastuurkii dalka”ayuu yiri Wasiir Caydiid Dirir
Sidoo kale mar uu wasiirku soo hadal qaaday habka ay u qoran tahay warsada casuumada ee Madaxweynaha ayuu carabka ku adkeeyay inaan laba kala aqoon cida lagu casuumay iyo kuwa ka maqan, wuxuu aad u dhaliilay wasiirku habka qoraalka madaxtooyada Villa Somalia.
Dhanka kale Wasiirkaan u hadlay Puntland wuxuu sheegay in madaama muda xileedka Dowlada uu dhamaad yahay looga baahan yahay Vila Somalia inay xaqiiqada u soo laabato si ay ugu suurtagasho inay qabato doorasho la isku raacsan yahay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM