Sida ay cadeynayaan Ilo wareedyo kala duwan ee la soo xirirey websiteka www.dayniile.com Caawa.

In Dowlad Goboleedka Puntland ay doonayaan in ay todobaadka bilaabanaya caawa sii dayso 10 Xubnood oo katirsan Golaha Shacabka, Kuraasta lagu bilaabi doono ayaa kasoo kala jeeda Mudug (Goldogob, Gaalkacyo-Waqooyi), Cayn (BUUHOODLE), Sool (LAASCANOOD) & Nugaal (GAROOWE), doorashadooduna ka dhacayso magaalada Garoowe!

Guddiga hirgelinta doorashada heer Puntland ayaa lagu wadaa in uu shaaciyo 10 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Puntland.

Xubno ka tirsan guddigaas ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay shaacinayaan doorashada 10 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya.

Kuraastan ayaa ku kooban xildhibaannada Baarlamanka ee laga soo doorto Gobollada Mudug iyo Nugaal oo doorashadooda lagu qaban doono caasimadda Garoowe sida ay sheegeen xubnahaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here