Kadib markii Xalay lagu dhawaaqay in Xasan Sheikh Maxamuud uu ku guulaystay Xilka dalka ugu sarreeya ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa Magaalada Caasimadda ah ee muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Gobolada waxaais qabsaday isku soo baxyo waa wayn oo lagu soodhaweynayo guushiisa.

Waddooyinka Caasimadda ayaa waxaa isugu soo baxay kumanaan shacab ah oo u dabbaal degayay guusha uu gaaray Xasan Sheikh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, oo xalay mar kale ku guulaystay Madaxtinnimada Soomaaliya.

Shacabka ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ku taageerayeen Madaxweynaha la doortay, waxaana ay sidoo kale la arkayay rasaas debbaal deg ah oo ay ridayeen Ciidanka Dowladda.

Xasan Sheikh ayaa noqday Maadxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya Madaxweyne ka noqda labo jeer, taasi oo aan horay u dhicin in masuul mar soo qabtay jagada dalka ugu sarreysa uu labo jeer soo laabto, waxaana xalay la diiwaan galiyay taariikh cusub oo ku aaddan madaxtimada Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here