Waa Nin dhalinyara ah oo dhowaan dhameeyay waxbarashadiisii. Wuxuu shaqo ka helay shirkad ku taal magaaladii uu wax ku bartay. Wuxuu ka mid noqday dadka ugu mushaarka fiican wuxuu ka helaa 300 dollar.

Isu diyaarin dheer iyo diyaarintii qarashka arooskiisa kadib, waxay guur isku afgarteen gabadh.

Inantii waxay tidhi xaaji guri yara weyn aan degno, wuu ka yeelay, asagoo og in aysan sahlanayn, waayo guriba guriga uu ka weyn yahay waa ka qaalisan yahay.

Waxay dageen guri kiradiisu tahay 200 dollar. Ma xumee kaaga sii daran waxay qabsatay inan u shaqaysa oo bishii qaadata 50 dollar, 50-kii soo hadhay iyo wuxuu ku daro ayay biilan jireen!!.

Saddaxdii bilood ee u horeysay uu is dabaray. Bishii afaraad, wuxuu ku qasbanaaday inuu deyn ku kabo biilka Reerka, sidoo kale bilihii ku xigay.

Markii uu dayn buuxsamay oo uu arkay inaysan macquul ahayn buu ku yidhi: Xabiibtii Waan in aan xaafaddan ka guurnaa oo magaalada geeska kale aqal raqiis ah ka raadsanaa!! Waxay tidhi marxabba anaa soo raadin, labo bil bay iska daba meerisay oo hadba lahayd xaaji weli ma helin guri fiican.

Maalinkii dambe asagiibaa guri soo helay labo qol ah oo 100 dollar ah, wuu ku wargaliyay. Gabdhii gurigii bay saluugtay oo diiday.

Ninkii go’aan adag buu gaaray maalinkii dambe waraaq buu ugu soo riday bashqad, markii ay furtay waraaqdii waxaa ku qoranayd: Waad iga furantahay, aqalka waxa yaala oo dhan adigaa iska leh.

Asaxaabtiisa iyo qaraabadii baa ogaaday inuu furay inantii uu guursaday 8 bilood ka hor, soomaali iyo su’aalaheeda waad iska taqaanaan ninkii waxaa la weydiiyay: Waar gabadhii maxaad ku furtay? Wuxuu ugu jawaabaa: WEY IS BIXIN WEYSAY!!

Runtii waa qiso ku cibra Qaadasho mudan, hablaha waa inay u fekiraan si dan ugu jirta Reerka oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here