GAZA (DAYNIILE.COM)-Wararkii ugu danbeeyay ee caawa aan ka helnay Marinka Gaza ayaa sheegaya in Siddeed qof ay ku dhinteen gudaha cisbitaalka Naasir iyadoo sidoo kalana ogsijiintu ka dhammaatay.

Cisbitaalka Nasser ayaa gabi ahaanba shaqada joojiyay waxana laga deyrinayaa xaalada guud ee isbitaalka iyo dadka ku jira xili Yuhuudu cadaadis ku sii heyso

Advertisement

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka ee ee maamulka Gaza ilaa 200 oo bukaan ayaa ku jira gudaha Isbitaalka xili Israa’iil go’doomisay muddo bil ku dhow.

Ra’iisul wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa sheegay in horumarka laga gaarayo xabad joojinta Gaza ay sii yaraaneyso.

“sida ay wax u socdaan runtii maaha mid rajo leh,” ayuu yiri. Ra’iisul wasaaraha Qatar.

SOURCE AL-JAZEERA

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Previous articleMaamulka Somaliland oo ka hadlay halka ay u mareyso hirgelinta heshiiskii ay la galeen Itoobiya
Next articleMeydka Nin u shaqeyn jirey Hay’ada duulista rayidka oo Caawa laga helay gurigiisii Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here