Ugu yaraan 91 ayaa ku dhintay tobanaan kalana way ku dhawaacmeen kadib markii qarax xooggan uu ka dhacay gudaha caasimadda dalka Sierra Leone’ ee Freetown.

Qaraxa ayaa dhacay kadib markii Booyad kuwada sidaalka qaada ah ay ku dhacday gaari kale oo marayay isgoos mashquul badan gudaha caasimadda dalkas.

Muuqaallo ay baahisay warbaahinta gudaha ayaa muujinayay meydad si daran u gubtay oo daadsan waddooyinka gaar ahaan goobtii ay ku rogmatay booyaddii shidaalka siday.

Dowladda waxay sheegtay in ilaa hadda ay soo gaareen 91 meydad ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Wararka qaar waxay sheegayaan in gebi ahaanba uu dabka qabsaday bas ay saarnaayeen dad rakaab ahaa halka qaraxa ka dhashay booyadda uu baabi’iyay xarumo ganacsi.

Madaxweynaha Sierra Leone Julius Maada Bio ayaa sheegay in uu si weyn uga naxay shilka qaraxa ka dhashay booyadda shidaalka siday.

Qoraal uu soo dhigay Twitter-ka wuxuu sheegay in dowladdiisa ay garab istaageyso dadka ku waxyeelloobay shilkan.

 

BBC

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here