XIGASHO LAACIB.NET

Sida uu daabacay ESPN, Arsenal ayaa si dhab ah u tixgelisay inay lasoo saxiixato weeraryahanka Newcastle United, Alexander Isak, horaantii suuqa kala iibsiga xagaagan. Si kastaba ha ahaatee, kooxda ayaa go’aansatay inay ka laabato qorshahaas sababo dhowr ah aawgood.
Sababta ugu horreysa waxay ahayd in Newcastle ay si cad u sheegtay in Isak aysan iibin doonin, haddii aan lasoo bandhigin qiime jabinaya rikoodhka suuqa Premier League. Tani waxay ka dhigtay heshiiska mid aad u adag oo dhaqaale ahaan culus.
Dhinaca kale, wararka hadda soo baxaya ayaa tilmaamaya in Newcastle ay dabciyeen mowqifkooda kaddib markii Arsenal ay lasoo wareegtay weeraryahanka reer Sweden ee Viktor Gyökeres. Isak-na wuxuu si cad u muujiyay rabitaankiisa ah inuu ku biiro Liverpool.
Arintan ayaa ka dhigan in Isak uusan hadda ka mid ahayn qorshaha Arsenal, maadaama ay diiradda saarayaan xoojinta dhanka weerarka iyagoo adeegsan doona Gyokeres.
