Haayada Cilmi baadhista ee Malitariga Isreal ayaa soo bandhigay baadhitaan uu ku sameeyey sida uu unoolyahay Hogaamiyaha dhaq-dhaqaaqa reer Lubnaan ee Xibullah,Al-sayid Xasan Nasrullah ,

Nasrullah oo sanadkii 1992 noqday Xog-hayaha guud ee Xisbullah wuxuu ku jiraa Da”da 60 -jirka
Inta badan wuxuu waqtigiisa galiyaa dawaashada iyo la socodka Warbaahinta Cibriga ee Isreal
Si uu wax badan Uga ogaado waxa ka socda Gudaha Isreal,

Xasan Nasrullah ,cabsi uu ka baqo Haayada Sirdoonka ee Isreal ee Mossad , ma isticimaallo Taleefanada iyo Computer-ada ah Smart waxaanu fariimaha uu dirayo iyo amarada Udhiibaa
Ku-xigeenkiisa Sheikh Niciim Qaasim isagoo ula kulma Waji ka waji,

Sida warbixintu leedahay waa nin Shaki badan oo aan Xogtiisa cidna ku aaminin wax kasta oo kusaabsan Urrurkiisa isagaa Maamula oo ay gacanta ugu jiraan.

Wuxuu diiday inuu qaato talaalka Xanuunka Coronavirus talaalka oo ay soosaartay Dawlada Maraykanka isagoo kabaqaya in lagu sumeeyo,

Urrurka Xisbullah ayaa ah cadawga 1-aad ee ay leeadahay Dawlada Isreal , Ra’ayi uruurin laga sameeyey Jamhuurka Shacabka Isreal ayaa 90% in hadalka Xasan Nasrullah ,aaminaan oo hanjabaadiisa run uqaataan markuu khudbadeeyo
Yahayna nin ka rumeeya balamaha uu Qaado

Qore:Cabdi Yaasiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here