HomeWarkiiSirdoonka Kenya oo ka digay in banaan-baxyada beri ka dhacaya Nairobi ay...

Sirdoonka Kenya oo ka digay in banaan-baxyada beri ka dhacaya Nairobi ay ku soo dhex dhuuntaan argagaxisada.

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-?Hay’ada sirdoonka Qaranka Dalka Kenya ayaa digniin culus waxay ka soo saartay banaan-baxa weyn ee beri loo balansan yahay inuu ka dhaco dalka kenya gaar ahaan Nairobi .

Sirdoonka Kenya wuxuu ka digayaa in shacabka ka qeybqaadanaya banaanbaxa ay berito ay suurtagal tahay inay ku soo dhex dhuuntaan kooxaha argagaxsada sida ay sheegeen kadibna dhibaato geystaan.
Hay’adda Sirdoonka Qaranka (NIS) ee dalka ayaa soo saartay digniin ku saabsan in mudaaharaadyada siyaasadeed ee la qorsheeyay berri in ay dalka ka qabsoomaan ayaa looga cabsi qabaa in ay ku soo dhex dhuuntaan kooxaha argagixisada
Warka sirdoonka Kenya waxaa si gaar ah loogu xusay in argagaxisadu qorsheyneyo inay bartilmaamedsadaan dadka ajaanibta ee reer galbeedka ah iyo shacabka kale ee Kenyaanka ah.

“argagaxisadu waxay qorsheynayaan si looga aargoosto weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil ee ku hayaan Iran”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay sirdoonka Kenya.
Sababta banaan baxaaan weyn loogu soo aadiyay 25-a Bisha June ayaa lagu sheegay in lagu xusayo hal sanna guuradii ka soo wareegtay 25-kii bishii lixaad ee sanadkii 2024-kii markaasoo ciidamada Dowladu laayeen dhalinyara badan oo banaanbaxa ka qeybgaadanayay Magaalada Nairobo sidoo kalana lagu xasuusto in diba-baxayaasha ay gudaha u galee xarunta baarlamaanka.
Si kastaba ciidamada amaanka kenya ayaa heegan weyn la geliyay si ay uga hortagaan isu soo baxayaasha oo beri lagu wado inay rabshado badan sameyaan,sidoo kale Dowladu waxay si gaar ah
u adkeysay ammaanka Garoomada diyaaradaha, safaaradaha, iyo meelaha ay dadku isugu yimaadaan .
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -