Boosaaso (dayniiile.com)-Wararka laga helaayo Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Ciidamada Nabad sugida  iyo Sirdoonka Maamulka Puntland  ay fashiliyeen qarax lala rabay magaaladaasi.
Saraakiisha Ciidamada ayaa saxaafada u sheegay in miinooyinku yihiin nuuca gacan ku sameysa ee ku qaraxa wicitaanka taleefoonada Mobile gacmeedka ee lagu xirriirsho.
Sirdoonka Puntland ee PISA waxay intaas ku darayaan inay la socdeen meesha lagu soo diyaariyay iyo dhaq dhaqaaqyada kooxda shirqoolka maleegeysyay.
Miinooyinka oo diyaarsn loona ekeysiiyay burjikooyinka raashinka lagu karsado ayay ciidamadu usoo bandhigeen warbaahinta.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here