HomeWarkiiSirdoonka Somalia oo gacanta ku dhigay agab badan oo laga sameeyo walxaha...

Sirdoonka Somalia oo gacanta ku dhigay agab badan oo laga sameeyo walxaha qarxa

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Ciidanka deegaanka oo muddo ku daba jiray walxo kiimiko ah oo loo adeegsado samaynta qaraxyada kuwaas oo loo waday Khawaarijta, ayaa ugu dambeyn gacanta ku dhigay.

Walxahan kiimikada ah, oo ku jiray in ka badan boqol jirgaan ayay Khawaarijtu ku duugeen meel masaafo u jirta deegaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ay ogaadeen in hay’adaha ammaanku ku daba jiraan.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah howlgallada joogtada ah ee ay hay’adaha ammaanku ku wiiqayaan awoodda Khawaarijta, gaar ahaan sahayda iyo agabka loo adeegsado fulinta falalka argagixisada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -