Madaxweynaha Dalka Suuriya oo booqanayay Gobolka Daraa ee dhanka koofureed ayaa la soo sheegayaa inuu ka bad baaday isku day dil ay la damacsanaayeen kooxo ka tirsan dagaalamayaasha Daacish ama ISIS.
Sida Wararku tilmaameen Sirdoonka Dalka Turkiga ayaa fashiliyay iskudaygaasi lagu doonayay in lagu dilo madaxweye Axmed Sharac.
Kooxaha Shiicada ee rabay inay dilaan Madaxweynaha Suuriya ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Daacish kuwaasoo xiriir la leh ururka Xisbullah ee Lubnaan ee ka dagaalama Dalka Lubnaan.
Dowlada Suuriya wali si rasmi ah ugama hadlin qorshahaani la sheegay madaxweynaha lagu dili rabay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM