War ka soo baxay Sirdoonka Turkiga ee MIT ayaa lagu sheegay inay ka taqaluseen koox Basaasiin u ahaa sirdoonka MOSSAD ee Israa’iil kuwaasoo ay ku dhex sameysteen gudaha dalka Turkiga.
Kooxda la qabtay ee u shaqeyneysay MOSSAD-ka Isra’iil oo laba ruux ahaa ayaa la sheegay in midi u dhashay dalka Falastiin magaciisuna yahay Faisal Karimoglu,wuxuuna heysta dhalashada Turkiga, halka kale oo Turki ah isna lagu magacaabo Mohammed Budak.
Labada nin waxay hore xog uga diyaariyeen Falastiiniyiin ku nool Turkiga kuwaasoo la aad uga soo hor-jeeday dhibaatada Israa’iil ku heysay shacabka reer Qaza.
Faisal Karimoglu iyo Mohammed Budak waxay iska diiwaan geliyeen sirdoonka Israa’iil sanadkii 2012-kii ,iyagoona dhowr mar dalal kala duwan kula kulmay Saraakiil ka socotay Hay’ada Sirdoonka Israa’iil ee MOSAD
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
