Waxaan shacabka Somaliyeed ee sharafta leh la socodsiinayaa in colaadda laga dhex wado Oromo iyo Somali ay ka dambeeyaan xisbiga PP iyagoo dhigaya riwaayad ah in OLA ay soo weerartay Dhul Somaliyeed. Ka dibna Liyu Somali ay ka difaaceen iyo Ciidanka Dhexe ee Abiy.
Xaqiiqadu waxaa weeye in OLA beenaad uu Abiy soo abaabulay oo Ah ciidankiisa federalka oo iska dhiga OLA ay dhibaateeyeen Shacabka Somaliyeed ee Sittii. Ka dibna isla ciidan dowladii ah oo ka kooban Somali iyo Ciidanka Abiy dhinaca kale laga soo diray oo ay isu muujinayaan in ay Somali difaacayaan.
Waa sidii dowladii hore ee EPRDF ay isugu laysay Somali iyo Oromo iyagoo adeegsanayaa labada liyu ee halka dowlad masruufto.
Waxaan oo idilna waxaa loo samaynayaa cabsi laga qabo in ONLF iyo OLA intay heshiiyaan ay Dagaalka Abiy u midoobaan.
Waxaa la sii abuuraya nacayb si aan marnaba iskaashi u dhex marin Somali iyo Oromoda diidan Abiy.
Khiyaamooyinkiina waan fahansan nahay. Mana aqbalayno in Shacabka Somalida iyo Oromada aad isku dirtaan.
Olada uu Abiy abuuray ee marna soo weeraraysa Tuliguuleed marna Baki iyo Meiso soo weeraraysa waan fahamsan nahay ciday tahay.
Guusha gobanikodoonka leh.
Waqtigiinii wuu dhamaaday.
Waa la eedi doonaa dhibaatada shacabka Somaliyeed loo gaysanayo ee marba midab hore leh lagu waxyeelaynayo.
Ugu dambayn Carafad, Jigre iyo Qanina xabsigoodaa kaaga umbaa ka dambayn doona Mustafow. Sidaad walaalkaa uga xanuunsanaysay ogow inay iyaguna leeyihiin walaalo la yidhaado JWXO oo uga xanuunsanayaa aaradoodana yaqaana siday u gutaan.
