Siyaasaddu “hay’ad samafal” ma aha, waa dano la kala beddesho, kanaan ku siiyey, kanna waa qaatay! Tusaalayaal baan sheegi. Markii Dawladda Qatar la go’doomiyey, oo cir iyo dhul iyo bad laga xirtay, Turkigu waa u gurmadey, waa taageeray, ciidan buu geeyey, badeecadduu u daabulay, sucuudi & imaaraad buu ku waayey.
Laakiin turkigu muxuu beddel helay? Waxaa ka mid ah: Qatar wexey maal gashatay turkiga 2019 in ka badan $22 bilyan, waxaa dhismaha qatar ka shaqeeya 500 shirkadood oo turki ah iyo shaqaalohooda. 2020 Qatar wexey saddex jibbaartey xoojinta dhaqaalaha turkiga oo gaarsiisey $15 bilyan. Riyaalka ayey Liirada ku xirtay. Isla sannadkaa booqashadii Amiirka Qatar, wexey la saxiixatay 10 heshiis, oo ay ka mid tahay in Qatar iibsato 10% suuqa saamiyada turkiga ee (Istanbul stock exchange). 2014 Qatar wexey yeelatay (49.9%) wershedda dabbaabadaha iyo baabuurta gaashaaman. Badeecadda turkidu u dhoofisey Qatar $1.4 bilyan, iyo faa’iidooyin badan oon ka gudbey.

Soomaaliya inta turkigu taageeray Qatar in la mid ah ama ka badan ayey taageertay, go’doomintii wey u hiilisay, sucuudi iyo imaaraat iyo masar ayey ku weydey, hawadeeda ayey diyaaradaha qatar u furtay (hal maalin 15 duullimaad), waxaa la is weydiinayaa: Mexey soomaaliya ku beddelatey oo muuqda? Waxaan xogta ku haynnaa Qatar iney wax walba diyaar la ahayd lana tahay, haba yaraateena eed ku lahayn, $10 bilyanna koob shaaha uga fududahay, allaha u siyaadiyo, laakiin….(laakiinta akhristahaan u daayey)!

Qore Sheikh Maxamed Idiris

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here