HomeWarkiiSiyaasi caan ah oo taageeray hadalkii Madaxweyne Xasan ku sheegay in Alshabaab...

Siyaasi caan ah oo taageeray hadalkii Madaxweyne Xasan ku sheegay in Alshabaab xaq u leeyihiin kaarka aqoonsiga 

Siyaasiga baraha bulshada caanka ah islamarkaana Dowladii Farmaajio ka soo noqday Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolla Banaadir  Cali Yare Cali ayaa taageeray oo ku tilmaamay talaabo amniga loo qaaday hadalkii shalay ka soo baxay Madaxweynaha Somalia Xasan sheekh ee ahaa in Alshabaab xaq u leeyihiin inay qaataan kaarka aqoonsiga dhalada ee cadeynaya inaad Somali tahay.

Qoraalka oo dheeraa Cali Yare Cali wuxuu u soo qoray sidan:-

In Eeyaha Naartu ay aqoonsiga qaranka qaataan waa arrin aad u wanaagsan. Faa’idada ugu yar ee laga heli karo waa tixraacooda iyo albaab laga galo in la helo.

Si aad arrinkaas u fahamto daawo aflaanta iyo documentaries laga sameeyay dilkii Abbottabad lagu dilay mujrimkii weynaa ee xasuuqa islaamka iyo gaaladaba geystay, hoggaamiyihii Al qaacidda Osama Bin Laden.

Diiwaangelinta, tallaalka caruurta argagixisadu dhaleen, dheecaanka hidda-sidaha [DNA] oo la helo iyo goob kasta oo laga heli karo tixraac argagixisada la xariira waxeey waa albaab guul ah oo u furmaya Hey’addaha amniga ka shaqeeya.

Fazul Abdalla oo u dhashay Comoros wuxuu ahaa hoggaamiyihii Alqaacida ee Afrika, wuxuu qarxiyay safaaradihii Mareykanka ee Nairobi iyo Darusalam, kadibna wuxuu saldhig ka sameystay Raaskambooni.

Si loo helo iyo si loo difaaco oo iska soo horjeeday darteed ayaa loo mideeyay hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho, dartiis waxaa u dagaalamay maxkamado islaami ahaa iyo hoggaamiye kooxeedyadii, dartiis waxaa dalka loo soo geliyay ciidankii Tigreega.

Ninkii intaas oo waqti iyo hanti ah la geliyay 8-ii Juun ee sannadkii 2011 ayuu isagoo iska socda ka soo dul dhacay bar amni oo ciidanku lahaa kuna taallay Exkoontarool afgooye waana la dilay kadibna waaba la iska aasay.

Dowladdu ma aanay ogeyn in qofka ay dileen uu ahaa ninkii Afrika loogu raadinta badnaa ee Fazul Abdalla ahaa.

Waxaa lala dilay nin maqaayadda Java Koinange ee Nairobi shaaha nagala cabi jiray taas oo la yaab nagu noqotay.

Fazul oo qabriga ku jira muddo asbuuc ah ayay C.I.A-da Mareykanku xogtii heshay. dib ayaa qabrigii loo soo faagay waana laga soo saaray. markii dheecaanka Hida-sidaha ee DNA laga qaadayna waxaa la xaqiijiyay in qofka la dilay uu mujrimkii Fazuula ahaa.

Osama Bin Laadibln waxaa gurigiisa looga shakiyay qaabka uu u dhisnaa, dadka guriga daganaa oo ay caruur ku jireenna aanay marnaba bannaanka u soo bixi jirin marka Abu Ahmed Al-Kuweiti oo adeegihiisa gaarka ahaa laga reebo, markii danbe si loo ogaado waxaa loo diray kooxda tallaalka carruurta kadibna waa la diiday in gurigii laga furo. gurigu ma laheyn, wax tixraac ah sida Internet, TV, Telefan ama wax Electronic devices ah waana halkaas halka laga fahmay inuu gurigaas ku dhuumanayo qof muhiim ah.

Hadda ma fahamtay faa’iidada amni ee tixraacu leeyahay?

Warkii shalay madaxweynuhu sheegay wuxuu ahaa war amni ee ma aheyn war siyaasadeed ama bulsho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -