HomeWarkiiSiyaasi Cali C/laahi Cosoble  "Cakuye Hawiye ilowsho dhawaa, Farmaajo sow maaha kii....

Siyaasi Cali C/laahi Cosoble  “Cakuye Hawiye ilowsho dhawaa, Farmaajo sow maaha kii….

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Siyaasi Cali C/laahi Cosoble oo ah Madaxweynihii ugu horeeyay ee maamulka Hirshabelle ayaa eedeyn ba’an u jeediyay Madaxweynihii hore ee Maxamed C/laahi Farmaajo gaar ahaana xiligii uu xilka hayay isagoona soo faagay qaladaad ka dhacay xiligaasi.

Cali C/laahi Coson oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook wuxuu ku soo hal qabsaday magaca qabiilka uu ka dhashay ee Hawiye isagoona cinwaan uga dhigay Cakuye Hawiye ilowsho dhawaa.

Siyaasigaa wuxuu mid u soo qaatay siyaasiyiin xilal hore u soo qabtay sida Madaxweynihii hore Sharif Shekh Axmad,Ra’iisulwasaarihii hore Somalia Xassan Cali Kheyre iyo Wasiir hore hadana xildhibaan ah C/raxmaan C/shukuur isagoo mid kasta xasuusiyay Farmaajo iyo qaladkii uu sida gaarka ah uga galay.

“Sharif Shekh Axmadow ilowsho dhawidaa, Farmajo sow ma aha ninkii adiga iyo Madaxweyne HSM idinku weeraray Hotel Ma’ida, haddana ka shaqeeyay iney idinla dhacdo diyaaradii aad Baladweyne u raacdeen?” ayuu yiri Siyaasi Cali C/laahi Cosoble.

Sidoo kale Xasan Cali Kheyre ayuu xasuusiyay daqiiqadihii koobnaa ee xilkiisa uu ku waayay markii baarlamaanka ay cod u qaadeen kalsooni kala laabashadiisa.

“Xasan Cali Kheyrow ilowsho dhawidaa, ma ilowday todobadii daqiiqo? Ma og tahay inaad tahay raiisulwasaarihii u horeeyay dunida oo moshin laga keenay haddana lagu riday toddobo daqiiqo gudahood?” ayuu yiri Cali C/laahi Cosoble

Sidoo kale Cali C/laahi wuxuu C/raxmaan C/shukuur xasuusiyay ilaaladiisii la laayay xiliii uu Farmajo  ahaa Madaxweynaha Somalia.

“C C Warsamow ilowsho dhawidaa,, ma ilowday wiilashii dartaa loo laayay? Waxaan sugnaaba waa adoo dhirir badan oo taagan idaacadda oo dhahaya Farmaajo cimaamad ayuu ii keenay waana la heshiiyay.” ayuu mar kale yiri Siyaasi Cali Cabdulaahi Cosoble
“Cakuye Hawiye ilowsho dhawaa, waxaan maqli jiray Hawiyaha waa baariyaal, inta la dilo ayaa cimaamad la siiyaa” ayuu mar kale ka dhawaajiyay Madaxweynihii ugu horeeyay ee Maamulka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -