Siyaasi Cali C/laahi Cosoble oo ah Madaxweynihii ugu horeeyay ee uu yeesho Maamulka Hirshabelle islamarkaana saaxiib dhaw la ah Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh si adag uga hor yimid Gudiga doorashooyinka Qaranka, isagoona soon jeediyay in la kala diro.
Cali C/laahi Cosoble oo cara badan laga dareemayo ayaa u muuqda inuu dhawaan mucaarad ku noqon karo Dowlada marka la eego psotiyada faraha bada ee lidiga ku ah Dowlada ee maanta kaliya uu soo dhiga bartiisa Facebook.
Cali C/laahi Cosoble wuxuu ku eedeeyay Gudiga Doorashooyinka Qaranka inay ka amar qaataan Cali Guudlaawe isalamarkaana uu isagu u meeriyay magaalooyinka Gobolka Hiraan ee doorashooyinku ka dhici doonaan.
Siyaasigaan wuxuu toos uga dablbaday Madaxweyne Xasan in la kala diro gudiga oo uu caranka ku adkeeyay inay ka shaqeynayaan sidii la isaga hor keeni lahaa Dowlada iyo reer Hiiraan sida uu warka u dhigay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
Hadaba halkaan ka akhriso codsiga siyaasigaan uu u direy Madaxweyne Xasan oo sidiisa u qoran:-
Ku: Madaxweyne Xasan Shekh Maxamud
Mudane Madaxweyne,
Guddiga Dorashada Madaxa Bannaan ma aha guddi caddaalad ku shaqeeya, waxaana caddeyn u ah go’aankii maxkamadda sare ay ka soo saartay doorashooyinkii Galmudug iyo liiska degmooyinka laga codeyn doono ee Gobolka Hiiraan oo baal marsan xaqiiqda degaanada.
Sida guddoomiyaha guddiga ii xaqiijiyay mar aan talefan kula hadlay, iiska degmooyinka Hiiraan waxaa u soo gudbiyay Cali Guudlaawe asaga ayeyna ku shaqeynayaan amarkiisa.
Mudane Madaxweyne waad og tahay heerka ay kala gaareen Cali Guudlaawe iyo reer Hiiraan.
Waxaa muuqata ujeedka ugu weyn ee uu leeyahay guddoomiyaha doorashoyinka C/dikarin Axmad Xasan iney tahay in Hiiraan uu ka dhaco dulmi kaasoo ugu dambeyntii iska hor keeni doona reer Hiraan iyo Dowladda Federaalka.
Mudane Madaxweyne waxaan ku talinayaa inteysan xeero iyo fandhal kala dhicin in la kala diro Guddiga Doorashooyinka loona xulo dad ka shaqeynaya caddaalad oo aan ka amar qaadan Cali Gudlawe.
Waxaanan marnaba suurtogal aheyn in la dhiso goleyaal degaan aan caddaalad ku dhisneyn ayadoo dooeashada laga reebayo degmooyin jira.
