HomeWarkiiDilalka lagu hayo Soomaalida ku dhaqan Dalka Koonfur Afrika oo sii kordhaya

Dilalka lagu hayo Soomaalida ku dhaqan Dalka Koonfur Afrika oo sii kordhaya

ELIZABETH (DAYNIILE.COM)-Waxaa wali sii kordhaya oo halkoodii ka sii socda dilalka lagu hayo Soomaalida ka xamaalara Dalka Koonfur Afrika ,iyadoo wararku tilmaamayaan Muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay habeen hore dukaankiisa ganacsi oo ku yaala tuulada Greenbushes ee duleedka magalada Port Elizabeth.

Allaha u Naxariistee marxuumka la dilay ayaa lagu magacabi jiray C/qani Hilowle C/karim kaasoo burcad ay ugu tageen goobtiisa ganacsi xili uu isaga mashquulsabaa shaqooyinkiisa caadiga ahaa, mana jirto cid soo qabatay burcada wayna ka baxsadeen goobta dilka kadib.

Ciidamada Booliiska Magalada Port Elizabeth ee Gobolka Eastern Cape Ee Dalkani Koonfur Afrika iyo kuwa magaalooyinka kalaba sida lagu yaqaanba waxay tagaan goota dhibaatadu ka dhacdo kadib markii burcadu baxsadan kadib.

Dilka C/qani Hilowle C/karim  Rabi ha u naxariistee ayaa noqonaya kii labaad ee Somali ah sanadkaani cusub ee 2026-ka,Soomaalida  Koonfur Afrika waxay ku shaqeystaan cabsi iyo la dagaalanka burada oo joogto ah iyagoo qaar hela hub si qarsoodi ah ay ku soo iibsadaan halka kuwo aan badneyn hela hub sharciyeysan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMNo photo description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -