Axmed Ciise Cawad oo hore u soo noqday Wasiirka arimaha dibada Somalia ayaa ku dhaliilay Dowlada Somalia baratikoolka loo maray warqadii Dowladu u dirtay Xafiiska Beesha Caalamka kaasoo ay kaga dalbaneysay Dowladu inay wax ka badalan habka ay ula macaamilaan ama u caawiyaan Dowlada.
Danjirey Axmed Ciise Cawad oo ka qeyb-galayay Dood uu qabtay TV-ga Universal ayaa wadada loo maray warqada Dowladu dirtay ku tilmaamay ceeb iyo nidaam xumo Dowladeed,si gaar ah wuxuu u dhaliilay in wasiiru Dowlaha arimaha dibada Somalia warqada u qori karaba beesha caalamka baritikol ahaan.
Danjire Axmd Ciise Cawad wuxuu gabi ahaanba qalad ku tilmaamay in wasiiru dowlo warqad uu soo saaray uu ku dhihi karo Xafiiska C6+
 ma jiro xili isagawasiiru Dowlo Cali Balcad xitaa xafiisyadooda tagi karin hadii aysan iyagu u fasixin.
“Cali Balcad intuu warqad iska soo saxiixdo ma dhihi karo beesha caalamka wax la yiraa ma jiraan ,xafiisyada beesa caalamka isagu ma abuurin waana safaarado dalka nala jooga,waana kuwa na maamulaya ,cali balcad-ka sidaas dhahaya xalane ma geli karo hadii askari Uganda u dhashay uusan baarin” ayuu yiri Danjire Axmed Ciise Cawad.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
