HomeWarkiiSiyaasi is bar bar dhigay weerarkii Farmaajo ee Dhuusa-mareeb iyo Weerarka Xasan...

Siyaasi is bar bar dhigay weerarkii Farmaajo ee Dhuusa-mareeb iyo Weerarka Xasan Sheekh ee Baydhaba

Dadku ha xusuustaan markii Macallin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir lagu weeraray gudaha magaalada Dhuusamareeb wakhtigaasi oo dalka Soomaaliya madaxweyne ka ahaa Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ujeeddaduna ahayd in halkaas laga dhiso maamul daacad u ah Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Hadda ogaada markii Dowladda farmaajo ay weerareysay meel u dhow magaalada dhuusamareeb waxaa joogey oo haddaba joogaan Ciidamada Midowga Afrika. Haddii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay berri ama maalmaha soo socda gasho magaalada Baydhabo oo ay la wareegto magaalada baydhabo , ciidamada Midowga Afrika—gaar ahaan kuwa ka socda Itoobiya—waxay xaq u leeyihiin inay u hoggaansamaan awaamiirta Dowladda Federaalka Soomaaliya, si halkaas looga dhiso maamul daacad u ah dowladda dhexe.

Sidoo kale, ciidamada ka socda Uganda markii dhowaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la wareegtay magaalada Baraawe wax tallaabo ah ma qaadin. Sidaas darteed, ciidamada Itoobiya iyaguna sidaas Camal ayey u dhaqmaayaan

Ugu dambeyn, Ciidamada Midowga Afrika sharciyadda ay ku joogaan dalka Soomaaliya waxaa bixisay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Arrintaas waa inuu si cad u ogaadaa Cabdicasiis Lafta Gareen.

WAXA QOREY: 

Siyaasi C/Sataar Xassan Cali 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -