LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Wasiirkii hore ee qorsheynta Somalia Siyaasi Jamaal Xassan oo ka soo jeeda asal ahaan gobolada la isku dhaho SSC Khaatumo ama SSC Maakhir ayaa maanta gaaray Magaalada Laas-caanood xili uu ka mid yahay musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka SSC Khaatumo.
Siyaasi Jamaal wuxuu ka dhawaajiyay inay dadka SSC ka tashanayaan aayahooda islamarkana ay dhawaan sameyn doonaan maamul balaaran oo matala dadkaasi kaasoo gaarsiisab ilaa gacanka cadmeed sida uu warka u dhigay.
Jamaal Xasan wuxuu khudbadiisa soo dhaweynta Laas-caanood ku sheegay inay dadka SSCÂ aan mar danbe loogu yeeri doonin dhulka la isku heysto oo ay hada kadib ka mid yihiin maamul Goboleedyada Dalka ka jira ee hoos taga Faderaalka Soomaaliya.
“Laas-caanood waxay tahay ayna noqon doontaa magaalada Midnimada Somaliyeed”ayuu yiri Danjire Jamaal Xassan.
Mar uu ka hadlayay dagaalkii dhawaan ka dhacay Dhahar ayuu carabka ku adkeeyay inay tahay kaliya mid cadeyneysa qal qal soo wajahay kuwii dhulka SSC sheegan jirey sida uu warka u dhigay isagoo ula jeeday maamulada Somaliland iyo Puntland.
 “waad maqasheen maalmaaan inay soo bax baxayeen waraaqooyin lagu leeyahay maxay u shirayaan,maxay isugu tashanayaan,dad baa la weeraraayay, waa SSC iyo Maakhir oo la isku daray maamulka dhismaya, waxaad arkeysaan oo dhan waa jaha-wareer iyo khalkhal siyaasadeed oo ku dhacay dadkii dhulkaan sheegan jirey”ayuu yiri Siyaasi Jamaal Xassan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
