HomeWarkiiSiyaasi ka hadlay Xogta sheegeysa in Mucaaradku dalbadeen in Ra'iisulwasaare Xamza xilka...

Siyaasi ka hadlay Xogta sheegeysa in Mucaaradku dalbadeen in Ra’iisulwasaare Xamza xilka laga qaado

Siyaasiga Cali C/laahi Cosoble oo ah Madaxweynihii ugu horeeyay ee Maamulka Hirshabelle ayaa barihiisa bulshada ku soo qorey qoraal uu kaga hadlay qorshe uu sheegay inay wadaan mucaaradka taasoo ah rabitaankooda in xilka laga qaado Ra’iisulwasaare Xamza.

Qoraalka Cali C/laahi Cosoble oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-

Xamse hadduu baxo miyey dowladda iyo mucaaradka heshiinayaan? Bal dulmiga iyo beenta qaawan arka. Warkii mucaaradka ma Xamse ha la baddalo ayuu ku soo aruuray? Filimkaan iney Somali hore u daawatay sow lama ogga? Madaxweyneyaashii dalka soo maray ee qaatay taladii mucaaradka kuna khasaaray sidaana ku waayay xilkii madaxweyne ee ay hayeen waxaa ka mid ah:
Mad Cabdulqasim Salad Xasan
Mad Cabdullahi Yusuf Axmad
Mad Maxamed Cabdullahi Farmajo
Waxaa xaqiiqo ah ineysan waqtigan la joogo munaasab aheyn inuu Mad Xasan Shekh Maxamud qaato talada mucaaradka.
Laba qolo ayaa lala heshiiyaa
1) qolo jabtay oo isi soo dhiibtay waa lala heshiiyaa
2) qolo guuleysatay ayadana waxbaa lagu darsadaa oo waa lala heshiiyaa
3) qolo saddexaad ma jirto
Waxaan si buuxda u diidanahay talada ah Xamse hadduu baxo ayey Somali heshiineysa. Oo Xamse oo jooga lama heshiin karo?May be an image of one or more people

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -