Siyaasi Cali Cabdullaahi Cosoble oo ah Madaxweynihi ugu horeeyay ee Maamulka Hirshabelle uu yeesho ayaa  ka shifay sababta Beesha Xawaadle u weysay taageerada Madaxweynaha Somalia ee kursiga u sareeya Maamulka Hirshabelle.
Siyaasigaan oo saaxiib dhaw la ah Madaxweyne Xasan aadna u taageera siyaasada uu dalka ku hago ayaa bartiisa Facebook ku soo qorey qoraal kooban oo ku xusay in sababta reerkiisa Xawaadle u waayeen taageerada Madaxweynaha ay tahay arimo dhexdooda ah.
“Hadaanan cuni karin Xawadle kale yusan cunin waa warkii soo yeeray Jimcihii. Waa qorshe hore u jiray oo Xawadle mucaarad looga dhigayo” ayuu ku yiri qoraalka uu ku soo qoray bartiisa taasoo iftiimineysa inuu jiro wax isu quurid la’aan reerkiisa dhexdiisa ah waaba hadii arinta uu ka hadlayo sax tahay.
Madaxaweyne xigeenka Hirshabele Yuusuf Daba-geed oo habeen hore ka hadlayay kulan reerkiisa Xawaadle ku yeesheen Muqdisho ayaa hadaladiisa ku cadeeyay inuu Madaxweyne Xasan ka heystay balan qaad si shaqsi ah isaga looga dhigayo Madaxweynaha Hirshaballe taasoo iyada laftigeeda adkeyn karta hadalka Cali C/laaji Cosoble inkastoo Mareegta Dayniile.com aysan baarid sax ah sameyn xaqiiqana ka heyn arimahaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
