HomeWarkiiSiyaasi Kofi oo la ilmeeyay hab dhaqanka Dowladu kula kacdo shacabka

Siyaasi Kofi oo la ilmeeyay hab dhaqanka Dowladu kula kacdo shacabka

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xog-hayaha Madasha Samatabixinta Mucaaradka Somalia Maxamed Aadan Kofi ayaa maanta isagoo la hadlayay haweenka mucaaradka wuxuu la ilmeeyay hab dhaqanka Dowlada ee barakicinta shacabka guryihii ay daganaayeen laga saarayo.

Siyaasiga oo la sheekeeyay hab dhaqanka Dowlada ayaa sheekada ku soo daray qiso ku dhacday mid ka mida askartii Dowlada ee u xilsaarnaa inay shacabka xoog uga saaraan dhulka Dowlada ee dadku deegaameystee, askarigaan ayaa sida Kofi sheegay waxaa ugu danbeyn ku timid dumiskii.

“aniga waxaa ii yimid sarkaal lacag qaatay  ee la yiri dad masaakiin ah barakici laakiin wuxuu hilmaamay xaafaduu barakicinayay in reerkiisu deganaa , Alle wuxuu qadaray in maalinkii danbe uu ii yimaado isagoo i leh Taliyow  5 boqol dolar oo la i siiyay oo aanan iska hubin baan ilmihii ku barakiciyay,baldoosarkii ayaa siduu u socday wuxuu ku tagay gurigii iyo caruurtii uu saaka ka soo tagay,wuxuu iigu yimid inaan guri dejiyo,isagaana is barakiciyay,waxayna ka mid tahay  foolxumooyina dhacay ee aan la yaabay”ayuu yiri Siyaasi Koofi.

Sheekadaasi kadib Kofi wuxuu soo gaaray meesha ka ilmeysiisay oo ahayd in la soo maray xiligiisii  oo aan wax mushaar aaney jirin, walibana xitaa markay dhaawacmaan ay iyaga jeebkooda iska daweyn jireen markaasna uu isagu ku jirey ciidamada

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -