Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi ayaa caawa saq dhexe qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu kaga hadlay weerarkii hopbiye ee maanta lala beegsaday garoonka diyaaradaha Baydhaba xili uu markaas ka soo degay Madaxweyne Xassan.
That bit Cabdi oo marka hore cambaareeyay falkaani ayaa dhanka kalana ku baaqay in la soo qabto oo sharcigana la hor geeyo kooxaha weerarka ka danbeeyay.
Qoraalka Thaabit Cabdi oo sidiisa u qoran halkaan hoose ka akhriso:-
Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarkii maanta lagu qaaday wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee garoonka diyaaraddaha Shaati-Guduud ee Baydhabo. Weerarka waa mid halis geliyay amniga madaxweynaha, wafdigiisa iyo amniga qaranka.
Waxaa lama huraan ah in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo, cid kasta oo ku lug lahaydna lala xisaabtamo si ay caddaaladda u wajahaan.
Sidoo kale, bulshada Koonfur-Galbeed waa inay xilligan kala-guurka ah ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida, khilaafaadkana lagu xalliyo wada-hadal, si looga hortago in kooxaha Khawaarijta ahi ka faa’iideysan is-diidooyonka siyaasadda.
#RabbiTaloKuFilan

