Garowe (dayniiile.com)-Siyaasi reer Puntland ah oo maanta khudbad ka jeediyay shirka Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Madaxweynaha Puntland Saciid Dani ayaa si adag uga hadlay hadii isbadal uu ku yimaado waqtigii doorashada Puntland agu yaqaanay.

Siyaasigaan oo lagu magacaabo Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa soo jeediyay in la soo xiro Madaxweynaha Puntland  Saciid Dani islamarkaana Maxkamad la soo taago hadii uu waqtigii lagu balamay qaban waayo doorashada madaxtinimada.

Advertisement

Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi wuxuu intaasi ku daray in Saciid Dani laga sugaayo inuu doorashada ku qabto waqtigii lagu balansanaa.

“hore shacabka darstiis ayaan uga qeybgallnay dorashooyinkii Golaha deegaanka laakiin inagu waan ogeyn inuu Saciid wax qaldaayo markii uu dastuurkii badalay,xerarkii badalay,islamarkaana uu siduu rabo ka dhigtay wax kasta”ayuu yiri Siyaasi Asad Cusmaan

Shirkaan maanta u furmay Siyaasiyiinta xukun doonka ah ee reer Puntland oo berina lagu wado in la soo xiro  ayaa lagu wadaa in warsaxaafdeed wada-jra ay soo saaraan Mucaaradku.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMadaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Gaashaandhiga oo gaaray Bacaadweyne
Next articleXafiiska Hantidhowrka oo soo bandhigay Magacyada masuuliyiin Dowladeed oo laga doonayo inay soo celiyaan Gaadiid gacantooda ku jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here